Erasmus Mundus Joint Master’s Scholarships 2026 – Fully Funded

rasmus Mundus Scholarship 2026 Erasmus Mundus Joint Master’s Degree Fully Funded Scholarships in Europe 2026 Deeq waxbarasho Yurub 2026

 Erasmus Mundus waa deeq waxbarasho caalami ah oo uu bixiyo Midowga Yurub (EU), kaasoo loogu talagalay ardayda doonaya inay dhigtaan Master’s Degree oo ka dhaca dalal badan oo Yurub ah. Barnaamijkan wuxuu siinayaa ardayda fursad ay ku bartaan labo ama saddex jaamacadood oo ku kala yaalla dalal kala duwan, iyadoo la siinayo full funding: tuition fees, nolol maalmeed, travel allowance, iyo health insurance.
Erasmus Mundus Joint Master Degrees (EMJMDs) waxay gaar ahaan ku habboon yihiin ardayda leh Bachelor’s degree oo doonaya in ay horumariyaan xirfado caalami ah iyo shahaadooyin tayo sare leh
hadii tahay arday wali aa dhamayn jaamacada fursadan markale ayaad ka faaidaysan kaliya waa master

Shuruudaha Codsiga (Eligibility)
Si aad u codsato Erasmus Mundus 2026, waa inaad buuxisaa shuruudahan muhiimka ah
Bachelor’s degree (ama ku dhawaad dhammeeyay).
Arday caalami ah (International Student) oo aan ka imaanin Midowga Yurub.
Luuqadda Ingiriisiga: badanaa IELTS 6.5–7.0 ama TOEFL 90–100.
Dukumiintiyo muhiim ah: CV, Motivation Letter, 2–3 Recommendation Letters, iyo Transcript

fiiro gaar ah
Barnaamij kasta wuxuu leeyahay shuruudo gaar ah, sida background-ka academic ee ku habboon program-ka (tusaale: Engineering, Public Health, Law, Social Sciences).
Faa’iidooyinka Scholarship-ka
Erasmus Mundus waa fully funded, taasoo ka dhigan inaad heli doonto:
Tuition fee: Dhammaan kharashka waxbarashada waa la daboolayaa.
Monthly stipend: Lacag nolol maalmeed ah oo qiyaastii €1,000–€1,400 bil kasta.
ravel allowance: Lacag lagu safro markaad dalal kale u guureyso.
Health insurance: Caymis caafimaad oo dhamaystiran.
Mararka qaar waxaa lagu daraa lacagta visa, field trips, iyo kharashaad barnaamijka ku xiran
Goorta la Codsado
Codsiyada Erasmus Mundus badankood waxay furmaan October – January sanad kasta.2026 intake wuxuu bilaabanayaa September 2026.Barnaamijyo gaar ah waxay leeyihiin deadlines gaar ah (tusaale EDU_MIG: Feb 15, 2026)
Codso barnaamijyo badan oo ku habboon profile-kaaga si fursadaadu u kordho.
Sida Loo Codsado
Raadi program-ka: Erasmus Mundus Catalogue
Fiiri eligibility iyo deadline: Hubi shuruudaha program-ka.Diyaari dukumiintiyada:
CV (resume)
Motivation Letter / Statement of Purpose
Recommendation Letters (2–3)
Official Transcripts iyo Degree Certificate
Language proficiency (IELTS/TOEFL)
ardayda somalida
inta badan ardayda soamlidu kama faaidaystaan fursadaha deeqaha waxbarasho ee u ogalaanaya inay jaamacadaha aduunka wax ka bartaan sida wadamada kale ee geeska afrika
taasna intabadan waxaa keena in dhalinyaradu aanay helin wado fiican oo hagta


Post a Comment