Scholarships-ka Jaamacadda Oxford University

 Jaamacadda Oxford waa mid ka mid ah jaamacadaha ugu taariikhda dheer uguna caansan caalamka, waxayna bixisaa scholarships heer sare ah oo loogu talagalay ardayda caalamiga ah, oo ay ku jiraan ardayda Soomaaliyeed. Scholarships-kaasi waxay daboolaan kharashaadka waxbarashada, nolol maalmeedka, iyo mararka qaar safark


1:Rhodes Scholarship (Scholarship-ka ugu caansan Oxford)


Rhodes Scholarship waa deeq waxbarasho caalami ah oo laga bilaabay 1902, waxaana loo arkaa mid ka mid ah scholarships-ka ugu sumcadda badan dunida.

Maxaa lagu helaa?

Kharashka waxbarashada oo dhan (tuition fees)

Guri iyo nolol maalmeedka (living expenses)

Tigidhka diyaaradda laga bilaabo dalkaga ilaa UK

Fursad aad ku noqoto qeyb ka mid ah ardayda ugu caqliga badan caalamka


Shuruudaha:

Inaad ka tirsan tahay dal uu ogolyahay barnaamijka Rhodes (dalal badan oo Afrika ah way ku jiraan)

Inaad ka sarreyso celceliska darajooyinka (excellent academic results)

Inaad haysato hogaamin (leadership skills) iyo dabeecad wanaagsan

Da’da ugu badan inta badan waa 24–25 sano

Codsiga: Rhodes Trust Official Website



2. Clarendon Fund Scholarship


Clarendon Scholarship waa deeq waxbarasho buuxda oo loogu talagalay ardayda masters iyo PhD.

Maxaa lagu helaa?

Kharashka waxbarashada oo buuxa

Lacag nolol maalmeed (stipend) sanad walba ku dhow £15,000 – £18,000

Waxaa si toos ah loogu tixgeliyaa marka aad codsato masters ama PhD Oxford


Shuruudaha:

Inaad ku fiicantahay darajooyinkaaga hore

Inaad muujiso inaad wax ku biirin karto bulshada

Looma baahna codsi gaar ah — haddii aad Oxford codsato, si toos ah ayaa laguugu darayaa tartanka Clarendon.

Faahfaahin: Clarendon Fund



3. Reach Oxford Scholarship (Ardayda dakhligoodu hooseeyo)


Scholarship-kan waxaa loogu talagalay ardayda ka socda dalalka saboolka ah ama horumarka ku jira.

Maxaa lagu helaa?

Kharashka waxbarasho oo buuxa

Nolol maalmeed (stipend)

Kharashka safarka UK


Shuruudaha:

Inaad ka timid dal horumar ku jira

Inaad haysato shahaadooyin fiican (secondary school/high school results)

Inaad muujiso baahida dhaqaale


👉 Faahfaahin: Reach Oxford Scholarshi



4:Weidenfeld-Hoffmann Scholarships (Leadership & Development)


Weidenfeld-Hoffmann Scholarships (Leadership & Development)

Scholarship-kan waxaa loogu talagalay ardayda doonaya inay wax ku biiriyaan horumarinta bulshada.

Maxaa lagu helaa?

Waxbarashada oo dhan

Lacag nolol maalmeed

Tababar ku saabsan leadership iyo horumarinta bulshada


👉 Faahfaahin: Weidenfeld-Hoffmann Scholarships



Gunaanad


Oxford University waxay leedahay fursado scholarships oo kala duwan: kuwa loogu talagalay ardayda ugu caqliga badan (Rhodes), kuwa cilmi-baarista (Clarendon), kuwa dakhligoodu hooseeyo (Reach Oxford), iyo kuwa hogaaminta bulshada (Weidenfeld-Hoffmann).

Haddii aad tahay arday Soomaaliyeed, waa muhiim inaad si wanaagsan uga shaqeyso documents-kaaga (transcripts, CV, Personal Statement, iyo Reference Letters) si aad ugu guuleysato scholarship-kaan



Post a Comment