University of Queensland (UQ) Scholarships 2026

Queensland University Scholarships 2026 Deeqaha Waxbarasho Australia 2026 Fully Funded Scholarships in Australia University of Queensland
University of Queensland (UQ) waa jaamacad ku taal magaalada Brisbane ee dalka Australia, kana mid ah jaamacadaha ugu magaca dheer caalamka, iyadoo ku jirta 50-ka jaamacadood ee ugu sarreeya dunida. Jaamacaddan waxay sannad walba siisaa arday badan oo caalami ah deeqo waxbarasho (scholarships) si ay u helaan fursad ay ku bartaan tacliin tayo leh.
Hadda oo aan ku jirno bilihii udanbeeyey ee 2025, waa waqtigii ugu habboonaa ee ardayda Soomaaliyeed iyo kuwa caalamkaba ay isku diyaarin lahaayeen si ay uga mid noqdaan guuleystayaasha UQ Scholarships 2026. Deeqahan waxay caawin karaan dhimista lacagta waxbarashada, waxay daboolaan nolol maalmeedka qaar, waxayna siiyaan sumcad iyo fursado cusub arday kasta oo helaa.

Noocyada Scholarships ee UQ bixiso
1. UQ International Excellence Scholarship
Waxay dhimaysaa 25% lacagta waxbarashada (tuition fee).
Waxaa heli kara ardayda caalamiga ah ee natiijooyin fiican leh.
Ma u baahnid codsi gaar ah, markaad admission hesho ayaa si toos ah laguugu tixgelinayaa.
2. UQ Ramsay Undergraduate Scholarship
Waxay ku siinaysaa AU$20,000 sanadkii muddo 3 sano ah.
Waxaa loogu talagalay ardayda dhigta Humanities, Arts iyo Social Sciences.
Ardayda ka timid gobollada fogfog waxay heli karaan lacag dheeraad ah oo gaareysa AU$12,000 sanadkii.
3. The Queensland Commitment Scholarship
Waxay ku siinaysaa AU$7,000 sanadkii.
Waxaa loogu talagalay ardayda leh caqabado dhaqaale ama fursad yar.
Waxaa u baahan tahay inaad buuxiso foom codsi gaar ah oo online ah.
4. UQ Graduate School Scholarships (UQGSS / RTP)
Waxaa loogu talagalay Masters by Research iyo PhD.
Waxay bixisaa:
Stipend (lacag nololeed bille ah),
Overseas Student Health Cover (OSHC),
iyo Tuition Fee Waiver (tuition la’aan).
Waxaa qasab ah inaad hesho supervisor ogolaada proposal-kaaga cilmi-baaris.
5. UQ Vice-Chancellor’s Scholarship
Waxay gaari kartaa ilaa AU$12,000 sanadkii.
Waxaa la siiyaa ardayda dugsiga sare ku dhammeeya natiijo aad u sarreeya.
Sidee Loo Codsadaa?
Dooro koorsada aad rabto (Bachelor, Master, ama PhD) study.uq.edu.au
Codso admission – ku lifaaq transcript, passport, iyo natiijooyinka imtixaanka Ingiriisiga (IELTS/TOEFL).
Codso scholarship – qaar waa automatic, qaarna waa inaad buuxiso foom online ah.
La soco deadlines-ka:
Semester 1 (Feb/Mar 2026): Waa in codsiga la dhammeeyo Oct–Nov 2025.
Semester 2 (July 2026): Waa in codsiga la dhammeeyo April–May 2026.
Haddii lagu aqbalo, waxaad codsanaysaa Student Visa (Subclass 500).
Maxaa Faa’iido ah?
Waxay dhimaysaa culayska dhaqaale.
Waxay ku kordhisaa sumcadda CV-gaaga.
Waxaad heli doontaa fursado cilmi-baaris iyo internship caalami ah.
Waxaad ku baran doontaa jaamacad heer caalami ah oo ku taal magaalo aad u qurux badan oo nabdoon.
Gunaanad
University of Queensland Scholarships 2026 waa fursad weyn oo ardayda Soomaaliyeed iyo kuwa caalamkaba ka caawinaysa inay gaaraan riyooyinkooda waxbarasho. Hadda oo la joogo September 2025, waa waqtigii aad diyaarin lahayd dokumentiyadaada si aadan u seegin waqtiga xidhitaanka.Booqo:  
Find a scholarship - Scholarships si aad u aragto faahfaahinta rasmiga ah iyo foomamka codsiga.

Post a Comment