Oxford University Clarendon Scholarship2026


Oxford University
 Waa jaamacad ka mid ah kuwa ugu qadiimsan uguna caansan dunida, halkaas oo kumannaan arday caalami ah ay ku hamiyaan inay wax ku bartaan.
Laakiin caqabadda ugu weyn ayaa had iyo jeer ah: kharashka. Kharashka waxbarashada iyo nolosha ee UK, gaar ahaan Oxford, waa mid qaali ah. Haddaba, maxaa fursad u ah ardayda caalamiga ah?balse fursad ayay siisay dhalinyarada  Clarendon Scholarship. Waa scholarship buuxda (fully funded) oo lagu bixiyo Oxford University, taas oo daboolaysa dhammaan kharashaadka waxbarasho iyo nololeed.
Maanta waxaan kuu soo gudbin doonaa hagitaan dhamaystiran dhalinta soomaalida .shuruudaha, habka codsiga, talooyin, iyo sababta aad adigu  u heli karto fursadan.
diyaar mautahay inaad ka faaidaysato jawaabtaada waa ogahay balse waxaa muhiim ah inaad diyaar tahay  sidegana u akhrido waxyaabaha lagaa rabo 

Waa Maxay Clarendon Scholarship?
Clarendon Fund Scholarship waa barnaamij scholarship oo Oxford University ay bilowday sanadkii 2001.
Waxaa la siinayaa ardayda doonaya inay dhigtaan Master’s ama PhD (DPhil).
Waa fully funded – taasi micnaheedu waa:
Tuition Fees oo dhan ayaa laguu daboolayaa.
Waxaa lagu siinayaa stipend nololeed oo ku filan sanad walba (£15,000 – £18,000).
Arday walba oo caalami ah waa codsan karaa.
Qodobka ugu xiisaha badan waa in aadan codsi gaar ah u gudbin scholarship-ka. Marka aad codsato Graduate Programme ee Oxford (Master’s/PhD), si toos ah ayaa lagugu daraa liiska Clarendon.

Faa’iidooyinka Clarendon Scholarship
Qof walba wuxuu ku hamiyaa scholarship "fully funded", laakiin aan isla eegno waxaad dhab ahaan ka heli doonto haddii lagugu guuleeyo:
Tuition Fees oo dhan – wax kharash ah jaamacadda lagamaaga rabo.
Living Stipend – kharash nololeed oo bil kasta lagu siinayo.
Accommodation Allowance – guri iyo hoy sharaf leh oo gudaha Oxford ah.
Networking – waxaad noqoneysaa qeyb ka mid ah "Clarendon Community" – arday culimo ah oo ka kala socda 70+ dal.
Prestige – ku biirista Clarendon Scholars waxay ku dhigan tahay sumcad iyo magac weyn oo caalami ah.

Shuruudaha Codsiga
Si aad ugu guuleysato, waa inaad buuxisaa shuruudo cad oo ay Oxford dejisay:
Inaad dalbato Graduate Programme (MSc, MPhil, DPhil).
Academic Excellence – darajooyin fiican (First Class ama GPA sare).
Research Potential – haddii aad dalbanayso PhD, cilmi-baaristaada waa inay noqotaa mid cusub oo qiimo leh.
English Proficiency – IELTS/TOEFL haddii aanad ku dhigin English hore.
References – laba ama saddex qoraal tixraac ah oo macallimiin/maamule kuu qoraan.
Waxaa muhiim ah in la ogaado: Looma baahna codsi gaar ah scholarship-ka – waxaa kugu filan codsiga programme-ka.

Sida Loo Codsado – Step by Step
Tallaabooyinka codsiga Oxford + Clarendon waa sidaan:
1. Soo xulo Course
Booqo 👉 Oxford Graduate Courses
Dooro MSc/MPhil ama DPhil aad xiisaynayso.
2. Samee Account
Fur account ku yaal Graduate Application Portal.
3. Buuxi Foomka Online
Waxa lagaa rabaa:
Macluumaadkaaga shaqsiga ah
Taariikhda waxbarashada (transcripts)
Personal Statement (Statement of Purpose)
Research Proposal (haddii loo baahdo)
CV / Resume
4. Soo dir Reference Letters
Dooro ugu yaraan 2–3 qof oo waxbarasho/maamul kaa yaqaana.
Oxford waxay si toos ah ugu diraa email iyaga.
5. Gudbi Codsiga
Gudbi codsigaaga kahor deadline-ka December/January.
👉 Haddii aad sidaas samayso, si toos ah ayaa laguugu daraa Clarendon Fund.

Deadlines Muhiim ah
Courses badan waxay leeyihiin deadline December ama January.
Haddii aad ka dib codsato (March ama April), Clarendon laguma tixgelin doono.
Sidaa darteed, September – November waa waqtiga diyaarinta.

Dukumentiyada Loo Baahan Yahay
Liis isku koob oo aad hore u diyaarsato:
Transcript (natiijooyinka waxbarashada)
Certificate (shahaadooyin)
CV / Resume
Personal Statement
Research Proposal (PhD codsato)
Reference Letters
Proof of English Proficiency

Talooyin Guusha
Ku bilow diyaarinta hore – ha sugin December.
Samee Personal Statement xoog leh – sheeg sababta Oxford iyo qorshahaaga mustaqbal.
Dooro referees wanaagsan – macallimiin/maamule kaa yaqaana.
Hubi in codsigaagu nadiif yahay – khalad yar ayaa kaa saari kara.
Joogso mid dhiirrigelin leh – Clarendon waa tartan adag, laakiin arday badan oo caalami ah ayaa ku guuleysta sanad kasta.



Gunaanad
Clarendon Scholarship (Oxford Clarendon Fund) waa fursad dahabi ah oo adiga iyo dhalinyarada Soomaaliyeed/caalamkaba u furan. Waa fully funded, tartan adag laakiin la heli karo, waxaana kaliya lagaa rabaa inaad si fiican isu diyaarsato oo aad codsiga waqtigiisa gudbiso.
Haddii aad hami weyn leedahay, shaqo adag qabato, oo aad diyaar u tahay inaad noqoto mustaqbal hoggaamiye, Oxford Clarendon Fund ayaa albaabka kuu furaya.


Si aad ula socoto deeqaha waxbarasho ee cusub, ku biir WhatsApp Channel-kayaga adigoo gujinaya:

Join WhatsApp Channel!!

Ma ka heshay maqaalkaan?

Post a Comment